wararka-gudaha

Total: 8 Warar
Madaxweyne qoorqoor oo ka tanaasulay doorashada galmudug

Madaxweyne qoorqoor oo ka tanaasulay doorashada galmudug

Madaxweynaha galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ayaa caawa ku dhawaaqay inuu ka tanaasulay oo uu isaga haray taranka doorashada madaxtinimada ee galmudug la filaayo iney ka Goor dhow. Qoorqoor ayaa sheegay inuu diyaar u yahay la shaqeynta iyo Soo dhaweynta musharixii ku guuleysta doorashada madaxweynanimo ee galmudug. Axmed qoorqoor ayaa caawa ka sheegay hadalkaan xuska sanad guurada 26 June ee ka dhacday Caasimada dhuusamareeb. Galmudug waxey u jiheesatay jawi nabadeed iyo doorasho ay maamuleeso DFS.

πŸ“… Jun 25, 2026 See more β†’
Xisbiga Himilo qaran oo cambaareye xiriga wariye Diirshe

Xisbiga Himilo qaran oo cambaareye xiriga wariye Diirshe

Xisbiga Himilo Qaran wuxuu cambaareynayaa afduubka & jirdilka lagula kacay wariye Cabdulkhadir Abuukar Cali ( Diirshe ) oo ka tirsan warbaahinta Somali Stream, waana fal kale oo muujinaya cabburinta weriyeyaasha Soomaaliyeed ee madaxa-bannaan. Tacadiyada iyo cabburinta saxaafadda xorta ah, waa dhaqan ka turjumaya kalitalisnimo, wuxuuna xisbiga Himilo Qaran eeda falalkaan gurracan dusha uga saarayaa Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday Xasan Sheekh Maxamuud. Xibsiga Himilo Qaran wuxuu aaminsanyahay in hab-dhaqanka Xasan Sheekh Maxamuud uu si toos ah uga soo horjeedo sheegashadiisa ka fog xaqiiqda ee la xiriirta afkaaraha xorta ah iyo Xorriyadda hadalka, maadama Madaxweynihii hore uu caadeystay aamusinta warbaahinta madaxabannaan. Ugu dambayn, Xisbiga Himilo Qaran wuxuu ku baaqayaa in si deg-deg ah xoriyadiisa loogu soo celiyo wariye Cabdulkhadir Abuukar Cali ( Diirshe) islamarkaana Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday uu joojiyo xarriga iyo sumcad dilka suxufiyiinta Soomaaliyeed oo iyagu markii horeba duruufo adag bulshada ugu adeegayay.

πŸ“… Jun 25, 2026 See more β†’
Wasiirka waxbarashada oo dhambaal u diray ardayda uu maanta usoo dhamaaday imtixaanka F4

Wasiirka waxbarashada oo dhambaal u diray ardayda uu maanta usoo dhamaaday imtixaanka F4

DHAMBAALKAYGA KU AADDAN MUNAASABADDA GUNAANADKA IMTIXAANKA QARANKA SANAD-DUGSIYEEDKA 2025–2026 Bismillaahi Raxmaani Raxiim Asalaamu Calaykum Waraxmatullaahi Wabarakaatuh. Waxaan hambalyo iyo bogaadin u dirayaa dhammaan ardayda Soomaaliyeed ee maanta soo gunaanaday sannad-dugsiyeedka 2025–2026. Waxaan si gaar ah ugu hambalyeynayaa ardayda dadaalkooda, waalidiinta naf-hurnimadooda, macallimiinta juhdiga ay geliyeen waxbaridda ubadka Soomaaliyeed, iyo maamulka dugsiyada oo si wadajir ah u xaqiijiyey in sannadkan waxbarasho uu ku dhammaado guul iyo horumar. Sannad-dugsiyeed kasta oo la soo gabagabeeyo ma aha oo keliya dhammaadka casharro la bartay; waa tallaabo kale oo Soomaaliya ugu sii dhawaanayso dhismaha bulsho aqoon leh, karti leh, isla markaana ku tartami karta dunida casriga ah. Ardaydeenna waxaan leeyahay: guusha dhabta ahi kuma eka imtixaanka aad gashay ama shahaadada aad qaadatay. Waxay ku jirtaa akhlaaqda, daacadnimada, hal-abuurka iyo sida aad aqoonta ugu adeegsan doontaan horumarka qoysaskiinna iyo dalkiinna. Ka faa’iidaysta fasaxa si aad u akhridaan, u kobcisaan xirfadihiinna, una diyaargarowdaan heerarka xiga ee waxbarashada. Macallimiinta sharafta leh, waxaad tihiin laf-dhabarta nidaamka waxbarashada. Qaranku wuxuu idiinku leeyahay mahadnaq iyo qadarin, waayo waxaad dhisaysaan jiilka berri hoggaamin doona Soomaaliya. Waalidiinta qaaliga ah, kaalintiinnu waa tiirka ugu weyn ee guusha carruurtiinna. Waxaan idinku boorrinayaa inaad sii waddaan dhiirrigelinta waxbarashada iyo la socodka horumarka ubadkiinna, maadaama gurigu yahay dugsiga ugu horreeya ee ubadku wax ku barto. Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare waxay sii wadi doontaa dadaallada lagu ballaarinayo helitaanka waxbarasho tayo leh, kor loogu qaadayo tayada macallimiinta, casriyeynta manhajka, iyo xoojinta nidaamyada qiimeynta iyo maamulka waxbarashada, si ilmo kasta oo Soomaaliyeed uu u helo fursad waxbarasho oo loo siman yahay. Ugu dambayn, waxaan Alle SWT ka baryayaa inuu inoo barakeeyo aqoonta ubadkeenna, ilaaliyo macallimiinta iyo waalidiinta, isla markaana Soomaaliya ka dhigo dal aqoontu tahay saldhigga nabadda, horumarka iyo midnimada. Hambalyo dhammaan ardayda Soomaaliyeed. Waxaan idiin rajaynayaa fasax nabdoon, caafimaad leh, iyo sannad-dugsiyeed cusub oo guulo ka sii badan lagu gaadho. Mahadsanidiin.

πŸ“… Jun 25, 2026 See more β†’
Hassan Ali Khaire oo cambaareye xariga wariye Diirshe

Hassan Ali Khaire oo cambaareye xariga wariye Diirshe

Waxaan si adag u cambaareynayaa afduubka uu taliska gabbalkiisu dhacay ee Madaxweyne hore Xasan Sheekh Maxamuud uu kula kacay wariye Cabdulqaadir Abuukar Cali Diirshe oo ka hawlgala warbaahinta Somali Stream, loona afduubay mihnaddiisa saxaafadeed iyo tabinta gaboodfallada uu caadeysatay taliska waqtigu ka dhammaaday. Afduubka wariye Diirshe waa caburin iyo cabsigelin lagu aamusinayo warbaahinta madaxbannaan iyo codka shacabka balse muwaadin kasta oo sharcidarro lagu xiro wuxuu dhiig cusub kusii shubayaa halganka dalka looga samatabixinayo taliska burcadka ah ee Madaxweyne hore Xasan Sheekh oo caadeystay dambiyo ka dhan ah xuquuqda aadanaha iyo gaboodfallo wiiqaya horumarka dalka, dadka, iyo dowladnimada Soomaaliya.

πŸ“… Jun 25, 2026 See more β†’
Madaxweyne hore Farmaajo oo dhaleeceeyay xukunka lagu riday sacdiyo bajaaj.

Madaxweyne hore Farmaajo oo dhaleeceeyay xukunka lagu riday sacdiyo bajaaj.

Xukunka siyaasadaysan ee taliska Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday uu ku riday Sacdiya Macalin Cali oo ah gabadha dhallinyarada ah oo u dhaqdhaqaaqda xuquuqda dhallinyarada, xoogsatada iyo haweenka waa mid muujinaya heerka uu gaarsiiyey hay'adihii dowladda oo dhammaantood noqday kuwo ka shaqeeya damiciisa gurracan ee xukun boobka dalka. Lama aqbali karo in loo beegsado dhallinyarada Soomaaliyeed fikirkooda siyaasadeed, u doodista xuquuqdooda iyo raadinta nidaam caddaalad ah oo ku shaqeeya waddaniyad iyo sinnaan bulsho. Waxaan ku baaqaynaa in degdeg loo sii daayo Sacdiya, lagana waantoobo ficillada siyaasadaynta garsoorka iyo laamaha ammaanka, gaar ahaan wakhtigan oo ay ku jiraan hay'adaha dowladdu marxalad xil gaarsiin ah. DHAMMAAD Hadalkaan ayaa imaanaa xili maanta maxkamada gobolka banaadir ay xukun sadax sano ah ku Friday Sacdiyo Bajaaj oo ah Gabar u dhaqdhaqaaqda xuquuqda bajaajleyda.

πŸ“… Jun 25, 2026 See more β†’
Midowga Yurub oo xayiraad saartay Muwaadiniinta Somaaliyeed

Midowga Yurub oo xayiraad saartay Muwaadiniinta Somaaliyeed

Midowga Yurub ayaa xayiraad kusoo rogay Muwaadiniinta Somaaliyeed ee visaha Yurub ku dalban jiray baasaboorka soomaliya ah. Xayiraadaan ayaa timid kadib markii dowlada soomaliya ay wadashaqeyntii ahayd iney dib udejin usameyso muwaadiniinta Somaaliyeed ee sharci darada ku joogay dalalka Yurub ay fulin weysay. Dalalka Yurub ayaa mamnuucay iney fiisaha dalalkaas ay siiyaan muwaadiniinta Somaaliyeed ee dalxiiska iyo caafimaadka u aadi jiray dalalkaas waxeyna ogolaanshaha fiisaha kaliya la siinayaa muwaadiniinta Somaaliyeed ee heysta ama wata baasaboorka diblumaasiga ama kan serviceka ee dowlada soomaliya bixiso. Muwaadiniinta heysta baasaboorka diblumaasiga ah soomaaliya ayaa ayagana sugaya mudada fiisaha mudo ku dhow 45 maalin. Go,aankaan uu midowga Yurub ku dhawaaqay ayaaa sheegay inuu yahay mid ku-meel gaarka ah.

πŸ“… Jun 25, 2026 See more β†’
Booliska gobolka banaadir ayaa xabsiga  u taxaabay wariye cabdulqaair abuukar cali

Booliska gobolka banaadir ayaa xabsiga u taxaabay wariye cabdulqaair abuukar cali

Booliska gobolka banaadir ayaa xabsiga u taxaabay wariye cabdulqaadir abuukar cali waxayna ku eedeeyeen inuu aflagadeeyey hay'adaha garsoorka dalka iyo baahin hadalo iyo eedeymo ka baxsan anshaxa saxaafada, xiriga saxafiyiinta iyo dhalinyarada kasoo horjeeda nidaamka madaxweyne xasan sheikh maxamuud ayaa waayadan danbe joogta ka ahaa magalada muqdisho.

πŸ“… Jun 25, 2026 See more β†’
Maxkamada Gobolka Banaadir oo xukun ku riday Sacdiyo Bajaaj.

Maxkamada Gobolka Banaadir oo xukun ku riday Sacdiyo Bajaaj.

Sacdiyo Bajaaj oo ah gabar dhalinyaro ah oo ku shaqeysan jirtay mooto bajaaj ayey maxkamada gobolka banaadir maanta ku xukuntay 3 (sadax) sano oo xabsi ah, sacdiyo ayaa lagu soo eedeeyay iney aflagaadeesay qoyska madaxweynaha ayaa sababtay in muddo ku dhawo 3 bilood kadib lagu xukumo xabsi muddo dheer ah. Xukunkaan ayaa dood ka abuuray baraha bulshada, dadka qaar ayaa ku tilmaamay xukun aan cadaalad eheen iyo in awood doladeed loo isticmaalay xukunka sacdiyo bajaaj. Sacdiyo oo baraha bulshada aad uga dhaliili jirtay madaxwenaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday ee xasan shiikh maxamuud ayaa la aaminsan yahay in xukunkaan ay villa somalia ka danbeyo. Qareenaada sacdiyo ayaa sheegay iney racfaan ka qaateen xukunka maxkamada ayna rajeynayaan in sacdiyo ay dib uhesho xuriyadeeda.

πŸ“… Jun 25, 2026 See more β†’