Madaxweyne hore Farmaajo oo dhaleeceeyay xukunka lagu riday sacdiyo bajaaj.
Xukunka siyaasadaysan ee taliska Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday uu ku riday Sacdiya Macalin Cali oo ah gabadha dhallinyarada ah oo u dhaqdhaqaaqda xuquuqda dhallinyarada, xoogsatada iyo haweenka waa mid muujinaya heerka uu gaarsiiyey hay'adihii dowladda oo dhammaantood noqday kuwo ka shaqeeya damiciisa gurracan ee xukun boobka dalka.
Lama aqbali karo in loo beegsado dhallinyarada Soomaaliyeed fikirkooda siyaasadeed, u doodista xuquuqdooda iyo raadinta nidaam caddaalad ah oo ku shaqeeya waddaniyad iyo sinnaan bulsho.
Waxaan ku baaqaynaa in degdeg loo sii daayo Sacdiya, lagana waantoobo ficillada siyaasadaynta garsoorka iyo laamaha ammaanka, gaar ahaan wakhtigan oo ay ku jiraan hay'adaha dowladdu marxalad xil gaarsiin ah.
DHAMMAAD
Hadalkaan ayaa imaanaa xili maanta maxkamada gobolka banaadir ay xukun sadax sano ah ku Friday Sacdiyo Bajaaj oo ah Gabar u dhaqdhaqaaqda xuquuqda bajaajleyda.
Highlights News
SPONSORED ADVERTISEMENT
Place Your Banner Ad Here (300x250)
Related News
📅 25 Jun, 2026
📅 25 Jun, 2026