Xisbiga Himilo qaran oo cambaareye xiriga wariye Diirshe

📅 June 25, 2026 | By abdullahi
Share:
Xisbiga Himilo qaran oo cambaareye xiriga wariye Diirshe
Xisbiga Himilo Qaran wuxuu cambaareynayaa afduubka & jirdilka lagula kacay wariye Cabdulkhadir Abuukar Cali ( Diirshe ) oo ka tirsan warbaahinta Somali Stream, waana fal kale oo muujinaya cabburinta weriyeyaasha Soomaaliyeed ee madaxa-bannaan. Tacadiyada iyo cabburinta saxaafadda xorta ah, waa dhaqan ka turjumaya kalitalisnimo, wuxuuna xisbiga Himilo Qaran eeda falalkaan gurracan dusha uga saarayaa Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday Xasan Sheekh Maxamuud. Xibsiga Himilo Qaran wuxuu aaminsanyahay in hab-dhaqanka Xasan Sheekh Maxamuud uu si toos ah uga soo horjeedo sheegashadiisa ka fog xaqiiqda ee la xiriirta afkaaraha xorta ah iyo Xorriyadda hadalka, maadama Madaxweynihii hore uu caadeystay aamusinta warbaahinta madaxabannaan. Ugu dambayn, Xisbiga Himilo Qaran wuxuu ku baaqayaa in si deg-deg ah xoriyadiisa loogu soo celiyo wariye Cabdulkhadir Abuukar Cali ( Diirshe) islamarkaana Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday uu joojiyo xarriga iyo sumcad dilka suxufiyiinta Soomaaliyeed oo iyagu markii horeba duruufo adag bulshada ugu adeegayay.

do you interest this article?

share it.

Related News