Wasiirka waxbarashada oo dhambaal u diray ardayda uu maanta usoo dhamaaday imtixaanka F4
DHAMBAALKAYGA KU AADDAN MUNAASABADDA GUNAANADKA IMTIXAANKA QARANKA SANAD-DUGSIYEEDKA 2025–2026
Bismillaahi Raxmaani Raxiim
Asalaamu Calaykum Waraxmatullaahi Wabarakaatuh.
Waxaan hambalyo iyo bogaadin u dirayaa dhammaan ardayda Soomaaliyeed ee maanta soo gunaanaday sannad-dugsiyeedka 2025–2026. Waxaan si gaar ah ugu hambalyeynayaa ardayda dadaalkooda, waalidiinta naf-hurnimadooda, macallimiinta juhdiga ay geliyeen waxbaridda ubadka Soomaaliyeed, iyo maamulka dugsiyada oo si wadajir ah u xaqiijiyey in sannadkan waxbarasho uu ku dhammaado guul iyo horumar.
Sannad-dugsiyeed kasta oo la soo gabagabeeyo ma aha oo keliya dhammaadka casharro la bartay; waa tallaabo kale oo Soomaaliya ugu sii dhawaanayso dhismaha bulsho aqoon leh, karti leh, isla markaana ku tartami karta dunida casriga ah.
Ardaydeenna waxaan leeyahay: guusha dhabta ahi kuma eka imtixaanka aad gashay ama shahaadada aad qaadatay. Waxay ku jirtaa akhlaaqda, daacadnimada, hal-abuurka iyo sida aad aqoonta ugu adeegsan doontaan horumarka qoysaskiinna iyo dalkiinna. Ka faa’iidaysta fasaxa si aad u akhridaan, u kobcisaan xirfadihiinna, una diyaargarowdaan heerarka xiga ee waxbarashada.
Macallimiinta sharafta leh, waxaad tihiin laf-dhabarta nidaamka waxbarashada. Qaranku wuxuu idiinku leeyahay mahadnaq iyo qadarin, waayo waxaad dhisaysaan jiilka berri hoggaamin doona Soomaaliya.
Waalidiinta qaaliga ah, kaalintiinnu waa tiirka ugu weyn ee guusha carruurtiinna. Waxaan idinku boorrinayaa inaad sii waddaan dhiirrigelinta waxbarashada iyo la socodka horumarka ubadkiinna, maadaama gurigu yahay dugsiga ugu horreeya ee ubadku wax ku barto.
Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare waxay sii wadi doontaa dadaallada lagu ballaarinayo helitaanka waxbarasho tayo leh, kor loogu qaadayo tayada macallimiinta, casriyeynta manhajka, iyo xoojinta nidaamyada qiimeynta iyo maamulka waxbarashada, si ilmo kasta oo Soomaaliyeed uu u helo fursad waxbarasho oo loo siman yahay.
Ugu dambayn, waxaan Alle SWT ka baryayaa inuu inoo barakeeyo aqoonta ubadkeenna, ilaaliyo macallimiinta iyo waalidiinta, isla markaana Soomaaliya ka dhigo dal aqoontu tahay saldhigga nabadda, horumarka iyo midnimada.
Hambalyo dhammaan ardayda Soomaaliyeed.
Waxaan idiin rajaynayaa fasax nabdoon, caafimaad leh, iyo sannad-dugsiyeed cusub oo guulo ka sii badan lagu gaadho.
Mahadsanidiin.
Highlights News
SPONSORED ADVERTISEMENT
Place Your Banner Ad Here (300x250)
Related News
📅 25 Jun, 2026
📅 25 Jun, 2026
📅 25 Jun, 2026