Wararka ka imaanaya gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladda Soomaaliya ay maanta qabsadeen deegaanka Buulo-Gaduud oo 30 km u jirta magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka.
Deegaanka Buulo-gaduud ayaa horey waxaa gacanta ugu haysay maleeshiyada al-Shabaab.
Ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM oo saaka u dhaqaaqay dhanka deegaannada Buulo-gaduud, Kamsuuma iyo degmada Jilib oo ka kala tirsan gobollada Jubbada Hoose iyo Jubbada Dhexe ayaa dagaal la’aan waxay kula wareegeen deegaanka Buulo-gaduud.
Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ayaa sii wada isku ballaarinta deegaanno hor leh oo ay kala wareegayaan kooxda al-Shabaab oo awood ahaan sii wiiqmeysa.

Comments